Cabdi Weli Gaas oo xil ka qaadis wadareed sameyay + Magacyada

Muqdisho (Caasimada Online)-C/Welli Maxamed Cali Gaas madaxweynaha maamulka Puntland ayaa kala diray golaha deegaanka ee magaalada Gaalkacyo, isagoo xilka ka qaaday gudoomiye ku xigeenada Mudug.

Madaxweyne C/Welli Gaas ayaa sidoo kale xilka ka qaaday taliyihii qeybta booliska ee gobolka Mudug, iyadoo masuuliyiin cusub uu xilkaasi loo magacaabay.

Madaxweyne Gaas ayaa xilalka ka qaaday:
Axmed Muuse Nuur Yare (Gudoomiye kuxigeenkii 1aad ee gobalka Mudug)
Farxaan Cali Xaad (Gudoomiye kuxigeenk 2aad ee gobalka Mudug)
Col, Cabdulaahi Shire Dool (Taliyihii qeybta Booliska ee gobalka Mudug)
Gollihii deegaanka ee magaalada Gaalkacyo
Cabdicasiis Jaamac Nugaal (Duqii magaalada Gaalkacyo)

Taliyaha qeybta booliska ayaa loo magacaabay Cabdiwaaxid Cabdille Aw-Doon
Gudoomiye ku xigeenada cusub ayaa loo magacaabay Maxamed Jaamac Xirsi (Gudoomiye kuxigeenka 1aad) iyo Maxamed Ciise Warsame (Gudoomiye kuxigeenka 2aad)

Madaxweyne Gaas ayaa wuxuu sidoo kale kala diray golaha deegaanka ee Gaalkacyo, waxaana uu sheegay in dhawaan si deg dega ah loosoo dhisi doono golaha deegaanka.

Madaxweynuhu wuxuu sidaas oo kale magacaabay masuuliyiin kala duwan oo buuxinaya boosaska laga qaaday shaqsiyaadkii horey usoo hayey.

WAREEGTO-page0001-1

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com