XOG Cusub: Goormee ayaa lagu dhawaaqi doonaa xiliga ololaha…

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa soo baxaaya warar sheegaya in Madaxtooyada Somalia ay dib u dhigeyso iclaaminta xiliga uu bilaabanaayo ololaha musharaxiinta u taagan xilka madaxtinimo ee dalka.

Qorshaha dib u dhigista iclaaminta ayaa waxaa la sheegay in salka ay ku heyso cabsi dhanka doorashada kasoo foodsaartay Madaxweyne Xassan Sheekh.

Ilo ku dhow dhow Xafiiska Madaxweynaha ayaa xaqiijiyay in qorshaha uu yahay in ololaha la bilaabo Afar maalin un ka hor xiliga doorashada, taasi oo la rumeysan yahay in lagu caburinaayo musharaxiinta.

Madaxtooyada ayaa fasaxday in Musharaxiinta iminka ku sugan magaalada Muqdisho si caadi ah usii wataan la kulanka Siyaasiyiinta iyo Odayaasha balse aanu jirin boorar lagu soo dhajinkaro tabeelayaasha iyo gidaarada magaalada Muqdisho ilaa laga iclaamiyo ololaha.

Musharaxiinta qaar oo iminka ku sugan magaalada Muqdisho ayaa caqabad u arka in laga hor istaago in boorarkooda ay kusii xirtaan wadooyinka si ay isaga iibshaan shacabka magaalada Muqdisho.

Culeyska ugu badan ayaa ah mid ka heysta dhanka Madaxtooyada iyadoo ujeedka lagu sheegay inuu yahay mid ku xeeran ololaha Madaxweynaha gabalkiisa sii dhacaaya.

Lama oga qorshaha ka danbeeya in Madaxtooyada ay caburiso ololaha Musharaxiinta u taagan xilka Soomaalida wareershay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com