XOG: Gaas oo Xasan Sheekh iyo R/W CC ku dacweeyay Guuleed

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno ilo wareedyo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan maamulka Puntland, ayaa xaqiijiyay in Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas uu DFS ku dacweeyay dhigiisa maamulka Galmudug C/kariin Guuleed.

Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh iyo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid ku wargaliyay in maamulka Galmudug uu carqalad ku hayo amaanka deegaanada Puntland.

Gaas waxa uu labadaasi mas’uul u sheegay in Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed uu dhowr jeer kala hadlay hakinta falalka amni darro oo maamulkiisa uu kawadao magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudugu, balse uusan kala kulmin wanaag.

Gaas waxa uu Xassan Sheekh iyo Sharmaarke u sheegay inaanu Puntland qaadi doonin mas’uuliyada wixii dhexmara Puntland iyo Gaalkacyo, isaga oo ku goodiyay in Puntland ay jawaab ka bixin doonto falalka amni darro oo ay wado Galmudug.

Gaas waxa uu sheegay in Puntland ay rumeysan tahay in qalalaasaha ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudugu ay hormuud ka tahay Galmudug, sidaa aawgeedna ay sameyn doonaan difaac.

Dacwada Gaas kadib ayaa la sheegay in Madaxweyne Xassan iyo Ra’isul wasaare Sharmaarke ay xiriiro degdeg ah la sameeyen Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Guuleed iyaga oo ugu baaqay inuu qaboojiyo colaadaha daahsoon oo ay wado Galmudug, sida ay xogtu tibaaxeyso.

Madaxweyne Xassan iyo Sharmaarke ayaa sidoo kale Cabdiwali Gaas isna ugu baaqay inuu qaboojiyo xaalada ka taagan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudugu, waxa ayna ka dalbadeen in sabar uu muujiyo inta arrintaani leysaga imaan doono.

Qeybo kamid ah Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudugu, ayaa waxaa maalmihii ugu danbeeyay ka dhacaayay dilal bareer ah oo ay fulinayeen dhalinyaro la sheegay inay u adeegayeen Galmudug, sida maamulka Gaalkacyo ee Puntland hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com