Xog: Xasan Sh. oo magacaabay taliyaha cusub ee hay’adda NISA

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa magacaabay taliyaha cusub ee hayada Sirdoonka iyo nabad sugida qaranka Soomaaliya oo haatan si KMG ah uu u hayo taliyaha hogaanka socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Wararka ayaa sheegay in nin lagu magacaabo Ismaaciil Cismaan loo sheegay in loo magacaabay taliyaha hay’adda sirdoonka qaranka Soomaaliya, loona baahan yahay in xilkaasi uu kasoo dhalaalaa.

Ismaaciil Cismaan, ayaa ah nin khabiir ku ah ammaanka dhinaca internet-ka oo degan dalka Mareykanka.

Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in Ismaaciil Cismaan uu bisha August si rasmi ah u noqon doona taliyaha NISA.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com