Kooxda Daacish oo gacanta looga dhigay diyaaradihi ugu badnaa oo Drone (Sawirro)

Boosaaso (Caasimada Online) – Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa tacanta kusoo dhigay illaa sagaal diyaaradood oo nooca loo yaqaan Drone-ta.

Diyaaradahan ayaa isugu jira kuwa wax basaasa iyo kuwo ay qaraxyo ku rakiban yihiin una diyaara inay is qarxiyaan, kuwaas oo lahaayeen kooxda Daacish.

Qabashada diyaaradahaan ayaa suurta-gashay kadib dagaal culus oo dhex-maray kooxda Daacish iyo ciidanka maamulka Puntland, waxaana sidoo kale ciidanka la wareegeen goobo ay kooxda kasoo duuli jirtay.

Gobolka bari waxaa haatan si xowli ah uga socda howl-galka Hilaac ee ciribtirka kooxda argagixisada ee Daacish oo ku dhuumalaysta buuralayda fog ee Calmiskaad.

Maalintii shalay ayey aheyd markii halkaas lagu khaarajiyay in ka badan 20 dagaal-yahan oo ka tirsan Daacish, kuwaas oo ay ku jireen 4 ajaanib ah sida uu sheegay taliska howl-galka ee Puntland.

Dagaallada u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo maleeshiyada Daacish ayaa dib u laba kacleeyey laba toddobaad kahor markii ay Puntland shaacisay in ay weerari doonto kooxaha argigixisada.

Balse kadib kooxda Daacish ayaa weerar toos ah oo isugu jira qaraxyo iyo dagaal ku soo qaaday qayb kamid ah ciidamadii ku sugnaa buuraha deegaanka Dharjaale.

Kooxda Daacish ee Soomaaliya oo muddo aheyd laan yar oo ka tirsan kooxda caalamiga ah ee Daacish ama isugu yeerta khilaafadda Islaamiga ah ayaa sanadihii ugu dambeeyey yeelatay muhiimad iyo saameyn.