Daad khasaaro xooggan geystay oo kusoo rogmay magaalada Qardho

Qardho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Roobab dabeylo wata oo kusoo rogmaday qeybo kamid ah deegaanada maamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Roobabka Duufaanada wata ayaa la sheegay in ay geysteen Khasaarooyin naf iyo maalba leh oo ka dhacay deegaanada ku dhow dhow xeebaha gobolka Bari, waxaana lasoo sheegayaa in daad xoogan uu kusoo rogmaday Qardho.

Roobabka iyo Duufaanada ayaa waxaa sidoo kale lagu la’ yahay dooman iyo shabaagyo oo ay la haayeen kalluumeysato,sidoo kale wadada isku xirtay Boosaaso iyo magaalooyinka kale ee Puntland ayaa go’doonsan kadib markii daadab ka dhashey roobabkaasi dabeylaha watay ay gooyeen.

Deegaanada ay ka da’een roobabka dabeylaha wata ayaa waxaa kamid ah deegaano kuyaala gobolada Sanaag iyo Bari oo ka kala tirsan maamulada Soomaaliland iyo Puntland.

Waxaa sidoo kale lagu la’ yahay Duufaanta iyo Roobabka dad farabadan oo la sheegay inay u badan yihiin Kaluumeysato, Gaadiid iyo Guryo aad u badan oo gabi ahaan la sheegay inay dhulka galeen.

Maalmahan waxaa jirtay digniino ay soo saarayaeen quburo ku xeel dheer arrimaha cimilada,kuwaasi oo sheegay in laga yaabo roobab duufaano wata oo ku dhuftay qeybo kamid ah Soomaaliya.

Duufaantan oo loogu magac daray Sagar ayaa qeyb ka ah dabeylaha loo yaqaan Maansoonka, gaar ahaan waxey ka soo farcantay sida ay baahiyeen qaar ka mid ah wargeysyada Carabta duufaan weyn oo loo bixiyay One oo ka soo kacday waqooyiga Badweynta Hindiya.

Duufaantan ayaa roobab xoog leh ku hoorin doonta maalmaha soo socda xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo shalay ka billowday xeebaha Puntland.

Dadaalo ku aadan u gurmashada dadka ay saameeyeen roobabka wata duufaanada ee ku dhuftay Soomaaliland iyo Puntland ayaa ka socda halkaasi, iyadoo dowlada goboleedka Puntland sheegtay in ay jiraan qasaarooyin ka dhashen musiibooyinkaasi.

Sidoo kale, wasaaradda arrimaha Gudaha Puntland ayaa shaacisay in ay diyaariyeen dad kala duwan oo isugu jira mas’uuliyiin iyo quburo,kuwaasi oo si koox koox ah u soo qiimeyn doonaa baaxadda saameynta dabeylahaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqday in gurmad deg deg ah loo sameyn doono dadka ay saameyeen Daadadka gobolka Bari,islamarkaana wafdi qiimeyn ah maanta ay tagayaan Magaalada Qardho.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com