Daahir Geelle: Musharax haysta tiro rasmi ah oo uu kusoo bixi karo majiro laakiin…

Muqdisho (Caasimada Online) – Daahir Maxamuud Geelle oo kamid ah musharixiintaa u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa markii u horeysay si cad u sheegay in uusan jirin musharax madaxweyne oo haysta tiro xildhibaano oo uu kusoo bixi karo wareega koowaad.

Daahir Geelle ayaa ku dooday in musharaxa madaxweyne guushu ku raacdo oo keliya marka uu helo codadka xildhibaanada wareegi koowaad u codeeyay musharax aan u gudbin wareega labaad.

“Majirto kursiga madaxweynimada tiro ku filan oo qofka Musharaxa la imaanayo, waxa jirta awood uu musharaxa ku qancin karo dadka (Xildhibaanada) u codeeyay dadka kale (Musharaxiinta) wareega koowaad ama labaad.” ayuu yiri.

“Qofkasta oo madaxweyne soo noqday waxa uu madaxweyne ku noqda dadka u codeeyay dadka kale markay kusoo biiraan, haddii kale wareega koowaad ayuu qofka ku noqon lahaa madaxweyne.”

Sidoo kale waxa uu rejo wanaagsan ka muujiyay musharax Daahir Geelle in uu gudbi doono wareega labaad, asaga oo sheegay in uu hayso xildhibaano ku filan oo wareega koowaad ka gudbiya, sida uu sheegay.

Sida dhacda inta badan doorashada madaxtanimada Soomaaliya, musharaxiinta ku hara wareega koowaad ama labaad ayaa waxay xildhibaanadii u codeeyay u wareegaan musharax kale, taasi oo musharaxaas uu ku hanan karo xilka u sareeya dalka.

Si kastaba, doorashada madaxtinimada ee sanadkaan ayaa si weyn uga duwan kuwii hore, ayada oo musharaxiinta qaarkood ay soo saarteen xildhibaano badan, taasi oo u suurta-galisay doorashada xulashada ah ee dalka ka socota.