Daahir Geelle oo shaaciyey arrin ay DF ‘rabto inay ka dhex-abuurto’ musharaxiinta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Musharax madaxweyne Daahir Maxamuud Gelle ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku sheegay in xukuumadda muddo xileedkeedu dhammaaday ay ku mashquulsan yahiin sidii ay u kala jabin lahaayeen Midowga Musharaxiinta madaxweynaha.

Daahir oo wasiir kasoo noqday xukuumadii Xasan Cali Kheyre ayaa gaashaanka u daruuray in la kala qeybiyay xubnaha ay ka kooban yahiin midowga musharaxiinta, isagoo intaas ku daray in maalintii lagu dhawaaqay midowga ilaa iyo hadda ay yahiin kuwa aad isugu dhaw oo aan kala fogaan.

“Wadahadalladu waxay u baahan yihiin niyad wanaag, sabar iyo qodobbada la isku raacay in la buunbuuniyo. Dhanka dowladda haddii aan ka fiirinno waxaa muuqanaya in aysan heshiis xiisaynayn oo ay ku mashquulsan yihiin sida ay Midowga Musharraxiinta madmadoow iyo kala shaki uga dhex abuuri lahaayeen, halka aan annaga ku mashquulsannahay sida ayaga oo heshiis ah noola heshiin lahaayeen! Nasiib wanaagse, Golaha Midowga Musharraxiinta maalinta lagu dhawaaqayay maanta ayuu isaga tolan yahay, wuxuuna leeyahay haykal dhisan iyo hadaf midaysan,” ayuu yiri Daahir Gelle

Waxa uu intaas ku daray “Madaxda dowladda waxaan leennahay wadahadalka aqoontiisa iyo xirfadiisa la imaada, wadahadalka waa culays badan yahay, sabar iyo dulqaad ayuu u baahanyahay! Annaga dhankeenna, adinka oo nagu duulay, dad naga dilay, xuquuqdeenni dastuuriga ahaa noo diiday ayaan weli wadahadalka u taagannahay. Waxaan rabnaa inaad sabarka naga barataan, naga barataan in aan dalka lagu kala tagi karin, naga barataan inaan isku qasbannahay.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu mar kale yiri: “Walaalkeen Farmaajoow, Soomaali kuma qasbana sida aad rabto oo ah in aad doorasho boob ah qabatid ama aysan dalka doorasho ka dhicin! Soomaali waxay u baahan tahay doorasho xor iyo xalaal ah oo la mid ah kuwi la arki jiray, kana gadisan wixi aad samaynaysay afarti sano ee la soo dhaafay, wayna heli doontaa Insha Allah, KALAMA TAGI DOONNO, TAADANA KUUMA MARI DOONTO”

Daahir Maxamuud Gelle waa afhayeenka midowga musharaxiinta madaxweynaha kuwaas oo aad u diidan madaxweynaha kursiga ku fadhiya ee Farmaajo, waxeyna taageersan yahiin heshiis la gaaro iyagoo sidoo kale doonaya iney talo ku yeeshaan heshiisyada doorashada inkastoo ay jiraa xubno ku aragti ah oo ku matala.