Khasaare ka dhashay qarax lala beegsaday mid kamid ah saraakiisha madaxtooyada

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax goordhaw ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaa wadada Afisyooni ee degmada Waaberi.

Qaraxa oo noociisu ahaa miino la dhigay wadada dhinaceeda ayaa lala beegsaday gaadiid uu la socday sarkaal ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo lagu magacaabo G/Dhexe Cumar Cabdiraxmaan Abuukar.

Sarkaalkaas ayaa la sheegay inuu ku dhaawacmay qaraxa, sidoo kale seddax askar oo ka mid ahaa ilaaladiisa ayey dhaawacyo kala wadan ka soo gaareen, halka mid kalena uu ku dhintay.

Sarkaalka iyo askarta kale ee ku dhaawacmay qaraxa ayaa loola cararay xarumaha caafimaadka, sidoo kale wararka aan heleyno waxay intaas ku darayaan in dad shacab ah uu khasaare ka soo gaaray qaraxa.

Ciidamada la socday sarkaalka qaraxa lala beegsaday ayaa qaraxa kadib furay rasaas xoog leh, taas oo aan illaa hadda la garaneyn khasaaraha ka dhashay.

G/Dhexe Cumar Cabdiraxmaan ayaa ka mid ah saraakiisha ciidanka ilaalada madaxtooyada Soomaaliya, waxuuna hadda ka hor Taliye kasoo noqday qeybta 7-aad ee militeriga Soomaaliya.

Illaa hadda wax war ah kama soo saarin qaraxaan.

Wixii kasoo kordha kala soco Caasimada Online