Abaarta ku dhufatay gobolada dalka Soomaaliya ayaa saameysay dad iyo duunyo, waxaana laga soo sheegayaa deegaano ka tirsan gobolka Sool in xayawaanka Daanyeerta ay bilaabeen inay weeraraan xoolaha abaarsaday ee ruqay sida Geella yaryar ee nirgaha iyo Ariga.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in ay dhibaato kala kulmaan Daanyeero raxan raxan u socda baahan oo xoolahooda kuwooda aanu socon karin iyo nirgaha yaryar ee Geella indhaha kala baxa, meelaha jilcana ka cuna halkaasi oo ay u arkaan inay tahay qeybta kaliya ee jilicsan ee ay awoodaan daanyeerta inay lasoo baxaan.
Deegaanada arrintaan laga soo sheegayo ayaa waxaa ka mid ah Holhol oo qiyaastii 110 km dhanka bari ka xigta magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.
Ilaa 40 neef oo isugu jira Geella waaweyn ee abaarta darteed u socon karin, Nirgaha yaryar iyo ariga ay daanyeerta kala baxeen indhaha sida uu sheegay Maxamed Diiriye Aadan oo 15 neef ay u dhinteen dhaawacyadaasi ay gaarsiiyeen daanyaaraha.
Arintaan ayaa ah mid aan hora Soomaaliya ugu dhicin, waxaana u sabab ah abaaraha baahsan ee gees ka gees gayiga Soomaaliya ka dhaceen.

