Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Syria Bishaar Al-asad ayaa qaaday talaabo uu ku kasbanaayo ciidamada Militeriga ee dagaalka kula jira Maleeshiyaadka Daacishta Syria.
Madaxweyne Bishaar ayaa ku dhiiraday in Aroos wadareed uu u dhigo ciidamada ragga iyo dumarka ah ee ka dagaalamaha furumaha dagaalka Syria, kadib markii uu aqbalay dalab kaga imaaday Wasaarada Gaashandhiga dalkaasi.
Madaxweynaha ayaa ka jawaabay dalabka Wasaarada waxa uuna aroos wadareed u sameeyay 30 ruux oo ka tirsanaa ciidamada Difaaca Syria.
Ciidamada loo aroosiyay ee Ragga iyo dumarka leh ayaa kamid ahaa ciidamadii Daacish ka xoreeyay magaalada Xalab oo maamulkeeda hadda gacanta ku hayaan dowladda.
30 ka tirsan askartaan oo labisan dharka ciidamada ayaa si wada jir ah hal mar loogu guuriyay lamaanahooda ay kasoo dhex xusheen ciidamada, waxayna socod ku mareen bartamaha magaalada Xalab oo burbur xooggan uu ku dhacay.
Dowladaha reer Galbeedka ayaa talaabadaani u arka mid uu Bishaar Al-asad ku luminaayo ciidamada Syria ee da’da yar, maadaama ay aad uga soo horjeedan talaabooyinka uu qaadayo Bishaar.