Daawo: Asad Xaajiyow oo 12 sano kadib soo laabtay isaga oo dhibane u ah Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Masuuliyiin ka tirsan dowladda, dhalinyarada caanka ka ah baraha bulshada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada caasimadda Muqdisho ayaa maanta garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey Asad Xaajiyow oo ah wiil caan ah oo Khawaarijta Al-Shabaab ay naafeeyeen.

Soo dhaweynta Asad Xaajiyow ayaa maanta saxmad badan ka abuurtay Garoonka Aadan Cadde, wuxuuna soo dhaweynta kadib warbaahinta la hadlay isagoo qiireysan.

“12-sano ka hor ayaa halkaan diyaarad la iga saaray anigoo nolosha ka dhacay oo dhabarka la igu sido, maanta waxaan dalkeyga ku soo laabtay iyadoo la i wada jecelyahay,” ayuu yiri Asad Xaajiyow.

Wiilkaan oo naafo ka ah ayaa ku noolaa jiray dalka Malaysia, waxaana bartiisa YouTube ku xiran in ka badan 2 milyan oo qof, wuxuuna baraha bulshada ku soo bandhigaa jiliimo cajiib ah oo asluubeysan, dadkuna jecelyihiin.

Youtuberka caanka ah ee Asad Xaajiyow waxaa 27-kii Agoosto 2012-kii toos u weeraray oo doonayey inuu dilo, balse dhaawac culus u geystay Maxamed Xaaji Ilkacase (Macalinkii Dilaaga ahaa) oo markii dambe gacanta dowladda Soomaaliya soo galay.

Asad markii dhibkaas loo geystay wuxuu ahaa wiil yar oo ku noolaa magaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose, xiligaas ayaa Soomaaliya laga qaaday isagoo ku jira xaalad quus ah, in ka badan 12 sano kadib ayuu maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho.

29-kii November 2020-kii Dowladda Soomaaliya ayaa tiirka cadaaladda geysay oo toogatay Maxamed Xaaji Ilkacase oo ahaa dhagarqabihii dhaawacay Asad Xaajiyow, sidoo kalena dilay dad badan oo Soomaaliyeed.

Asad Xaajiyow ayaa sheegay in hadda uu ku soo dhiiraday nabadda ka jirta Soomaaliya, wuxuu gocanayaa dhibaatooyinkii ay Al-Shabaab u geysteen, wuxuuna maanta cesha waayey ilintii intii uu la hadlaayey warbaahinta iyo dadkii ku soo dhaweeyey garoonka Aadan Cadde.

Hoos ka daawo