Daawo: Axmed Daaci oo u jawaabay weerar xunna ku qaaday Goodax Barre

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee degmada Wadajir Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) oo ka hadlay khilaafka soo wajahay maamulka cusub ee HirShabeelle, gaar ahaan arrinta gobolka Hiiraan ayaa ugu baaqay reer Hiiraan inay cadeeyaan waxa ay tabanayaan, isagoo u soo qaatay maah-maah oraneysa “Iyadaa cunee, iyadaana cabaadeysa.”

Waxa uu sheegay in awood qeybsiga maamulka HirShabeelle uu badanyahay u Hiiraan, sidoo kalena qeylada soo yeereysa ay u badantahay dhanka reer Hiiraan, sida uu sheegay Axmed Daaci.

“Saamigii xaga ayuu u badanyahay, qeyladiina xaga ayey u badantahay, marka ma xaqbaa ka qeyli-siinaya oo reer Shabeellada Dhexe ayaa markii hore laga badsadee in loo soo celiyo miyey dadku la karkaraayaan? Ma dadka deegaanka la degay wixii ay qaateen ayeysan u ogoleyn? Anigu ma garay waxa ay salka ku heyso qeyla dhaanta reer Beledweyne,” ayuu yiri Axmed Daaci.

Sidoo kale guddoomiye Axmed Daaci ayaa weerar afka ah ku qaaday wasiirkii hore ee waxbarashada Soomaaliya Cabdullahi Goodax Barre oo uu sheegay inuu qeylo bilaabo markii xilka laga qaado.

“Goodax arrintiisa ku fogaa maayo, ninkaas haduu xil haayo, waa nin jecel bulshada dhan inay faraxsanaato, hadii xilka laga qaadana waxa uu yiraa dalka nabadu kama jirto oo wax kasta waa balaayeeysanyihiin, waan maqlaayey madaxweynaha HirShabeelle in uu lahaa nin aqoon leh maaha, waa nin cunsuriya, marka labadooda Soomaali ayaa kala taqaana ninkii cunsuri ah iyo ninkii fiican,” ayuu yiri.

Waxa uu sheegay in xaalada hadda ka taagan HirShabeelle ay ku habooneed in xal laga gaaro intii aan la dhisin maamulkaan, isagoo aad u dhaliilay hadallada ay warbaahinta marinayaan siyaasiyiinta reer Hiiraan.

“Waxaan leeyahay siyaasiyiinta reer Hiiraan hadalladooda wax haka bedeleen raali gelina haka bixiyeen, dowladda dhexena waxaan laga rabaa arrintaas inay wax ka qabato, hadii ay wax ka qaba weysana, iyadaa eeda ka imaata qaada doonta,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Axmed Daaci.

Hoos ka Daawo