Daawo Maareeye: “Somalia waxay ku socotaa waddadii ay horey ugu burburtay”

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirkii hore warfaafinta xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in maanta Soomaaliya ay ku socoto wadadii ay horay ugu burburtay, isagoo dembi weyn ku tilmaamay in dowladdu ka caga jiido inay dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah.

“Waa in doorashada dalka ka dhaceysa 100% ay madaxda dowladda federaalku dhaxdhexaad ka noqoto, hadii la doonayo in meesha aan maanta joogno oo aan ku soo gaarnay hoggaankii la isku bedelayey si cadaalad ah looga sii socdo, waa in madaxda Qaranku aysan marna shaki gelin doorashada oo 10-qof kaliya hadey cabasho ka keento ay qaabisho,” ayuu yiri Maareeye.

Xildhibaan Maareeye ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka kula jira ee ka soo jeeda gobollada waqooyi badankood dadkii dooran lahaa aysan dhex imaaneyn oo meelo kale ay ka daba wareegayaan, sida uu sheegay.

“Waxay leeyihiin Ergo bas ku jirta ayaa la ii keenayaa oo I dooraneysa, oo cidey tahay aan la garaneyn, hada aniga wiil iyo gabar ayaa xilkeyga igula tartamaya, hadii doorasho la aado siyaasi dib loo soo doortay ayaan noqonayaa ama siyaasi loo diiday oo iska tegay ayaan noqonayaa, laakiin nasiib darro waxaa ah inaan iraahdo hool aan la garaneyn cidda ku jirta ayaan ka soo baxayaa anigoo xildhibaan ah, inaan sidaas xildhibaan ku noqon karo hadaan aamino waalibey igu tahay,” ayuu yiri Maareeye.

Waxa uu sheegay in dadka ka soo jeeda gobollada waqooyi ay aaminsanyihiin guddoomiye Cabdi Xaashi oo ah masuulka kaliya ee la doortay, isagoo sheegay in madaxweynuhu xataa ogyahay inuu yahay qof wanaagsan.

“Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha waxaan leeyahay qaata talada guddoomiye Cabdi Xaashi, guddiga uu magacaabay iyo hab-raaca uu sameeyey oo ah habraac ay reer waqooyi oo dhan ku kalsoonyihiin, xildhibaano lagu kalsoonyahana ay ku soo bixi karaan,” ayuu yiri Xildhibaan Maareeye.

Madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayuu kula taliyey inay dhageystaan cabashada reer waqooyi, isla markaana loo madax-baneeyo inay dhistaan guddiyadooda, si loo raadiyo midnimada umadda Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha oo aan ku aqaano inuu dhageysto rabitaanka dhalinyarada, waxaan leeyahay madaxweyne maqal rabitaanka reer waqooyi, taladooda u daa, waxay leeyihiin odayaal, siyaasiyiin, dhaqan ee ku wareeji taladooda, si ay u soo doortaan xildhibaano rabitaanka dadka ay metelaan ku yimaada,” ayuu yiri Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Hoos ka Daawo