Xog: Cali Guudlaawe oo ka soo gacan taagay Hiiraan iyo DF oo tallaabo qaadeysa

Beledweyne (Caasimada Online) – Saraakii ka tirsan xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in Madaxweynaha HirShabelle looga yeeray magaalada Muqdisho kadib markii uu ku guul darreystay qorshihiisii ahaa inuu tago magaalada Beladweyne ee xarunta Gobalka Hiiraan.

Cali Guudlaawe ayaa Villa Somalia u sheegay in uusan waxba ka gelin qalalaasaha ka jira HirShabelle, islamarkaana loo baahan yahay inay faro geliso xukuumadda maadaama ay shacabka gobalka qaarkiis u arkaan Cali Guudlaawe qof ka boobay xuquuq ay leeyihiin.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in looga yeeray Muqdisho islamarkaana uu ka qeyb geli doono shir dhacaayo 9-ka bishaan oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa la sheegay in ay isku hooshay sidii ay u dejin laheyd qalalaasaha ka jira Beladweyne maadaama uu xalin waayay maamulkaas, waxaana loo diray magaalada wasiirka arrimaha gudaha Jeneral Mukhtaar oo kasoo jeeda gobolka.

Magaalada Beladweyne ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka taagnaa isku dhacyo ciidan iyo banaanbaxyo rabshado wata, kuwaas oo qal-qal weyn geliyay gobalka iyo guud ahaan siyaasadda Soomaaliya.

Waxaa magaalada ka dillaacay maleeshiyo uu hoggaaminayo Jeneral lagu magacaabo Jeneral Xuud, oo sheegay inuu gobolka ka xoreynayo dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale, qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolka, oo uu ka mid yahay xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre ayaa taageero u muujiyey kacdoonka ay sameeyeen dadka kasoo jeeda beesha diidan Guudlaawe ee Xawaadle.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya in dowladda ay ciidan u adeegsan doonta inay wax ka qabato maleeshiyada Jeneral Xuud, haddii uu diido inuu hubka dhigo, waxaana arrintaas ka digay Goodax oo ugu baaqay ciidamada qaranka inaysan ku lug yeelan xiisadda.