Weerar lagu dilay askar oo ka dhacay gobolka Sh/Hoose

Baydhabo (Caasimada Online) – Faah faahino dheeri ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar iyo dagaal is-xigay oo ka dhacay gobolka Sh/Hoose.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa yimid, kadib markii dagaalyahano ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin degmada Awdheegle, kaasi oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in khassaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhashay dagaalkaasi & weerarkii ka horreeyey.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan illaa 5 askari ayaa ku dhintay dagaalkan, iyada oo ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Ma jiro weli wax faah faahin ah oo saraakiisha milatariga Soomaaliya ay ka bixiyeen dagaalkaasi, iyadoona haatan xaaladdu ay tahay mid deggan.

Awdheegle oo ah meesha uu dagaalku ka dhacay ayaa ka mid ah degmooyinkii ugu dambeeyey ee ay la wareegtay dowladda, waxaana badanaa ka dhaca weeraro xoogan.