Sarkaal sare oo Al-Shabaab ah iyo maleeshiyadiisa oo lagu laayey howl-gal

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa faahfaafin ka bixiyey howlag lagu dilay sarkaal sare iyo dagaalameyaal ka tirsanaa Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay gobolka Shabeellada Hoose.

Howlgalkaas oo la sheegay inuu ahaa mid qorsheysnaa waxaa fuliyey ciidanka xoogga dalka, waxayna kula wareegeen degaanada kala ah, Wala-galeen, Galka-Saalimow, Dahaad ,Ceel-Maracade, Garas-Gawaan oo dhammaantood ka wada tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Ciidamada ayaa deegaanadaas ku dilay 11-dagaalame oo ka tirsanaa Al-Shabaab, kuwaas oo uu ku jiro sarkaalkii hoggaaminaayey, sida uu Idaacadda Ciidamada Qalabka Sida u sheegay Taliyaha ciidanka dhulka Soomaaliya.

Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, Taliyaha ciidanka dhulka oo haatan ku sugan deegaanada uu howlgalkaasi ka dhacay ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada xooggu ay 6-dagaalame oo kale Al-Shabaab uga dhaawaceen howlgalkaas.

Jeneraal Biixi waxuu intaas ku sii daray in ciidamadu bur-buriyeen goobo ay Al-Shabaab uga dhuuman jireen duqeymaha, sidoo kalena ay ku uruursan jireen canshuuraha.

Taliyuhu ma shaacin magaca sarkaalka uu sheegay in Al-Shabaab looga dilay howlgalkaas, waxuuna warkiisu ku soo aadayaa, iyadoo saacadihii la soo dhafay ay dowladdu sheegtay in degmada Wanllaweyn ay ku qabtay madixii dilalka qorsheysan ee Al-Shabaab.