Daawo: Axmed Madoobe oo shaaciyey hal arrin oo uu Gedo uga tanaasuli karo

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo galabta hadal ka jeediyey Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee Machadka Heritage oo ka furmay Garowe ayaa si qota dheer uga hadlay xaaladda guud ee Soomaaliya, sida doorashada, dastuurka, awood qeybsiga iyo xoreynta dalka.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in dowladda federaalku ay ka baxday balantii laga yeeshay doorashada dalka, isagoo dhinacyadii ku wehliyey heshiiskii laga gaaray doorashada ku eedeeyey inay ka gaabiyeen daba galka balan qaad looga sameeyey arrinta gobolka Gedo.

Waxa uu sheegay in markii hore uu diidanaa in heshiiskaas la galo iyadoo aan la xalin arrinta gobolka Gedo, balse dhinacyadii kale ay ku qanciyeen in taas gaar loo xali doono ee hadda tan guud xal laga gaaro.

“Intii uusan dhicin heshiiskii doorashada, waxaan ku iri dhinacyadii shirka nimanyahay waxaan rabaa inaan meeshan ka baxo, waxaa la I yiri walaalow anagaa geleyna gartaas oo kaala shaqeyneyna in Gedo laguu soo celiyo ee hadda danta guud aan xal ka gaarno.”

“Taasi waxay keentay inaan qaatay in aan shirkii joogo oo ra’yigeyga u gudbiyey si furan oo xalaal ah, saaxiibadey markii aan la dhameeyey midii aniga ila jirtay, nin kasta tii asaga la jirtay ayuu ka baxay, hal qof dib iima soo dhihin garoortaadu waa imisa,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxa uu sheegay in Garbahaarey ay ku jirtay labada goobood ee loo asteeyey in Jubbaland ay doorashada ku qabato, “Mawaxaan xaq u leeyahay in Garbahaarey la igu soo celiyo oo doorashada ka dhaceysa aan maamulo? Mise waxaan xaq u leeyahay in la iyiraahdo Axmed balantii waa ka baxay maamullada kalena ay laba-laba goobood doorashada ku qabsadaan,” ayuu yiri.

Isaga oo sii hadlayey ayuu yiri, “Madaxweynuhu waa musharax oo doorasho ayuu ku jiraa 16-ka kursi ee gobolka Gedo haduu qaadanayo, maan doorashadan dhibka badan iska deyno ee qaadano xisbigii hanti wadaaga kacaanka Soomaaliyeed oo doorashada madaxweynaha ugu baarakeyno?”

Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa sheegay in hadii aan gacantiisa lagu soo celineyn gobolka Gedo oo doorashada Garbahaarey ka dhaceysa uusan maamuleyn in maamullada kale lala simo oo iyaguna ay mid hal magaalo madaxweynaha uga tagaan doorashadana ku qabsadaan hal magaalo sidiisa oo kale.

“Waxaan maanta diyaar u ahay, oo aana qarineyn saaxiibadey maamullada kale, min hal magalo inay ka tagaan oo madaxweynaha la siiyo, aniguna aan Gedo ka tago oo aan madaxweynaha siiyo, hadii kale waxay noqoneysaa in saaxiibkey Axmed Qoor Qoor uu laba goobood oo Dhuusamareeb iyo Gaalkacyo kala ah uu doorashadiisa ku qabsado, anigana la I yiraahdo Gedo meel kale ayaa lagu xaliyey ee Kismaayo ku ekaaw,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey Axmed Madoobe.

Hoos ka Daawo