Sawirro: Shirka GAROOWE oo galay maalintii labaad

Garoowe (Caasimada Online) – Magaalada Garoowe waxaa maalintii labaad ka socda shirka sanadlaha ah ee madasha aragti wadaagga oo looga hadlayo xaaladda dalka.

Shirkan oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaaa soo agaasimay machadka cilmi barista ee Heritage, iyada oo diirada lagu saarayo sida looga gudbi karo KMG-nimada daba dheeraatay sanadka 2025-ka, xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka

Waxaa shirka ka qeyb-galaya dowladda federaalka, qaar ka mid ah maamul goboleedyada, musharraxiinta, ururada bulshada rayidka & marti sharaf kale.

Sidoo kale waxa la filayaa in maanta madax kale ay khudbado ka jeediyaan madasha, kuwaas oo ka hadlayo xaaladda cakiran ee dalka iyo horumarrada Soomaaliya.

Dhinacyada kala duwan ee ka qeyb-galaya shirweynaha ayaa sidoo kale yeeshay kulamo duceedyo looga hadlayo marxaladda kala guurka ah ee haatan lagu jiro

Waa sanadkii ugu horreeyey madasha aragti wadaagga sanadlaha ah ee Machadka Hiratage lagu qabanayo gudaha dalka, iyada oo markii hore lagu qaban jiray Jabuuti.