Shabaab oo weerar kale ka fuliyey Kenya + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalyahano ka tirsan Kooxda Al-Shabaab ayaa markale weerar khasaare geystay ka fuliyey gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay deegaanka Shiir oo hoostaga magaalada Mandera ee gobolkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dagaalyahanada weerarka qaaday ay muddo kooban la wareegeen gacan ku heynta deegaankaasi.

Sidoo kale dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa goob fagaare ah kula hadlay dadka deegaanka, iyaga kadib isaga soo baxay halkaasi.

Qoraal ka soo baxay Al-Shabaab ayaa sidoo kale lagu sheegay inay gubeen xarun ay shirkadda isgaarsiinta Safaricom ku laheyd deegaanka Shiir ee gobolka Waqooyi Bari.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha Booliiska Kenya oo ku aadan weerarkaasi.

Inta badan dagaalyahanada Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare geysta ka fuliya deegaanada ku yaalla xadka ay wadaagaan Soomaaliya & Kenya.