Axmed Madoobe iyo Mahdi Guuleed oo kulan yeeshay

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa xalay kulan gaar ah magaalada Garoowe kula yeeshay ra’iisul wasaare ku xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed.

Kulanka ayaa ka dhacay hogya uu Garoowe ka dagan yahay Mahdi Guuleed, kadib markii uu booqasho iyo salaan ugu tegay madaxweyne Axmed Madoobe.

“Waxaa hoyga aan ka daganahay caasimadda Puntland ee Garoowe igu soo booqday M/weyne Axmed Maxamed Islaan (Axmed-madoobe),” ayuu yiri MahdiGuuleed .

Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka iyo doorashooyinka Soomaaliya ee uu weli muran ka taagan yahay.

Mahdi Guuleed iyo Axmed Madoobe ayaa Garoowe u tegay ka qeyb-galka shirka madasha aragti wadaaga oo maanta galaya maalintiisa, kaas oo looga hadlayo xaalada dalka.

Si kastaba xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa ah mid cakiran, iyada oo Jubbaland ay ka mid tahay dhinacyada tabashada ka muujinayo doorashooyinka dalka ee 2021-ka.