Rag hubeysan iyo hubkooda oo lagu qabtay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka Soomaaliya ayaa saaka howl-gallo lagu xaqiijinayo amniga ka sameeyey degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.

Howl-gallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa ciidamadu waxa ay ku soo qabteen rag hubeysan oo lagu sheegay inay ahaayen burcad dhac ka geysaneysay degmadaasi.

Maamulka degmada Dayniile oo faah faahin ka bixiyey baaritaanadaasi ayaa sheegay in ragga la soo qabtay ay gaarayaan illaa saddex qof, islamarkaana gacanta lagu dhigay, iyaga oo xillgaas dhac ka geysanayey waaxda Halgan oo ka tirsan degmadaasi.

Ragga gacanta lagu dhigay ayaa sidoo kale watay mooto Bajaaj iyo qoray AK47 ah oo ay ku dhacayeen dadka deegaanka, sida ay shaaciyeen mas’uuliyiinta degmadaasi.

Sidoo kale saraakiisha laamaha ammaanka ee dowladda ayaa sheegay in raggan lagu daba joogay, islamarkaana ay maalmahan dhibaato ka wadeen magaalada Muqdisho.

Muddooyinkii la soo dhaafay ayaa waxaa caasimada ku soo badanayey falalka ammaan dari sida, dhaca oo inta badan xilliyada habeenkii ah loo geysto dadka shacabka ah.