KHEYRE oo ka digay arrin dhici karta haddii aan lagu heshiis doorashada dalka

Garoowe (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Khayre oo haatan ah musharrax u taagan xilka madaxweynaha ee doorashada 2021-ka ayaa khudbad xasaasi ah waxa uu ka jeediyey madasha aragti wadaaga ee Garoowe.

Khayre ayaa khudbaddiisa kaga hadlay arrimaha ammaanka, dhammeystirka Dastuurka, doorashooyinka iyo yagleelidda nidaam federaal oo shaqeynaya.

Ugu horreyn wuxuu shaaca ka qaaday in Soomaaliya sanadihii ugu dambeeyey ay ku tallaabsatay horumarro la taaban karo, balse wuxuu hoosta ka xariiqay in haatan loo baahan yahay in loo istaago ka gudbista marxalada masiiriga ah ee hadda lagu jiro.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in la joogo xilli muhiim ah oo u baahan in laga fakiro mustaqbalka Soomaaliya iyo sida ay noqon karto sanadaha soo socda.

“Sida looga gudbo xaalada taagan ayaa waxaa ay ka turjumeysaa halka aan u socono iyo in la helo dowladnimo hana qaado, balse hadii laga gudbi waaya ay dhici karto in 30 sano oo kale la joogo meesha aan hadda joogno,” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre.

Musharrax Khayre oo hadalkiisa sii wata ayaa carabka ku goday in shacabka Soomaaliyeed ay u baahan yiiin a ka dhabeynta hamigooda dowladnimo.

Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa sidoo kale ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka iyo muranka ka taagan, isaga oo shaaca ka qaaday inay muhiim tahay in xal mideysan laga gaaro doorashada, si looga baaqsado qalalaase ka dhaca dalka.

Ugu dambeyn wuxuu soo hadal qaaday arrimaha deyn cafinta oo uu tilmaamay in guullo muhiim ah laga gaaray wejigii koowaad, isaga oo xusay inay sababtay in lagu guuleysto dib u so celinta wada shaqeyntii Soomaaliya kala dhaxeysay Hey´adda lacagta aduunka (IMF), Bankiga aduunka(WB), Bangiyada horumarinta, Hey’adda ceymiska maalgashiga dowliga ah (MIGA), Hey´adda maalgashiga caalamka ee IFC iyo Hey´adda horumarinta caamaliga ah ee (IDA).