Xoghayaha guud ee QM Guterres oo ergey cusub usoo magacaabay Somalia

New York (Caasimada Online) – Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa u magacaabay Anita Kiki Gbeho oo reer Ghana ah inay noqoto ku-xigeenka cusub ee Ergeyga Gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Ms. Gbeho ayaa xilkan kala wareegeysa Raisedon Zenenga oo reer Zimbabwe ah oo loo magacaabay kaaliyaha xoghayaha guud iyo isku duwaha howlgalka ee xafiiska taageerada Qaramada Midoobay ee Libya (UNSMIL).

António Guterres ayaa uga mahad-celiyey Raisedon shaqadii iyo dadaalkii ee uu ku tabarucay shaqada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya.

Gbeho ayaa leh in ka badan 25 sano oo khibrad ah oo ku saabsan qorshaynta istiraatiijiyadeed, isku dubaridka iyo maaraynta arrimaha siyaasada, horumarka iyo arrimaha bini’aadanimo ee QM.

Shaqooyinka ay horey usoo qabatay waxaa ka mid ah sameynta xiriir siyaasadeed iyo istiraatiijiyad heer sare ah oo lala yeesho mas’uuliyiinta qaranka, hay’adaha gobolka ee dalal ay ka mid yihiin Angola, Cambodia, Iraq, Namibia, Sudan iyo Somalia.

Tan iyo bishii May 2018, Ms. Gbeho waxay aheyd ku-xigeenka wakiilka gaarka ah ee howlgalka isku dhafka ah ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ee Darfur (UNAMID), halkaas oo ay ku hogaamisay horumarinta iyo hirgelinta istiraatiijiyadda kala guurka.

Ms. Gbeho waxay haysataa shahaadada Bachelor of Arts ee Cilmiga Bulshada iyo Daraasaadka Afrika oo ay ka qaadatay Jaamacadda Gobolka ee New York iyo Master-ka ee Xiriirka Caalamiga ee Jaamacadda Ghana.

Waxay ku dhalatay magaalada Accra ee dalka Ghana, Ms. Gbeho waxay leedahay hal gabar.