Daawo: Axmed Madoobe oo bixiyey xogta hub culus ‘oo ku jira’ gacanta dowladda

Garowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Garowe uga qeyb galaya Shirka Madasha Aragti Wadaaga ee uu soo qaban-qaabiyey Machadka Heritage ayaa si qota dheer uga hadlay arrimaha ammaanka Soomaaliya iyo dhismaha ciidamada.

Axmed Madoobe ayaa shaaciyey ballamo ay uga baxday dowladda federaalka, kuwaas oo ku aadana sidii loo dhisi lahaa ciidamo Soomaaliyeed oo AMISOM kala wareega ammaaka dalka.

Waxa uu sheegay in shirkii madaxda amiga Qaranka ee Baydhaba ka dhacay sanadkii 2018-kii lagu heshiiyey in deg deg loo dhiso ciidamo Qaran oo ay qeyb ka yihiin18-kun oo askari oo militery tayeysan ah, kuwaas oo amniga dalka kala wareega AMISOM.

“Shirkii Baydhaba ee 2018-kii, waxaan ku heshiinay ciidan amni Qaran oo tiradiisa la cayimay in la dhiso, kuwaas oo loo kala dhigay 32-kun oo boolis iyo daraawiish heer federal iyo heer dowlad goboleed ah, waxaan ku heshiinay dhismaha ciidan xoogga dalka Soomaaliyeed ah oo ka kooban 18-kun oo askari oo tayeysan, hadii balantaas aan fulin laheyn oo ciidankaas aan dhisi laheyn, waan hubaa AMISOM dariiqii ay ku timid ay ku bixi laheyd,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Isagoo sii hadalyey ayuu yiri, “Culeyska Shabaab nagu hayo ma ahan mid kartidooda ku yimid ee waa ducfi iyo shaqo xumo anaga naga timid, umana diyaarsanin waxa aan ka hadleyno inaan ka run sheegno.”

“Intii uu xafiiska joogay Xasan Cali Kheyre, waxaan gaarnay heshiis ahaa in ciidamada dowlad goboleedyada loo aqoonsado ciidanka amniga Qaranka, oo daraawiishta maamullada la siiyo mid la mid ah xuquuqda kuwa NSA, sida qalabka iyo hubka.”

Waxuu intaas ku sii daray, “Xiligaas waxaa dowladda u timid 80-kunteenar oo hub ah, oo loogu tala galay in Shabaab lagula dagaalamo, balse taasi ma dhicin ee illaa hadda dalabkii uu ku yimid hubkaas weli xafiiskii Xasan Cali Kheyre ayuu yaallaa, dabcan ra’iisul wasaare Rooble ayaa ku wareegay, madaxweynahaa la weydiinayaa oo Mahdi Guuleed ayaa la weydiinayaa.”

“Balantii halkaas ayey ku dhamaatay, marka dagaalka Shabaab ma noqon in aan galno ee waxuu noqday mid anaga nagu eg, oo dowladda federaalku ay leedahay halkaan ayaan fadhineynaa ee orda Shabaab iska dhiciya, iyaguna ay ku mashquuleen wax aysan maanta ku jirin maslaxada dalka,” ayuu yiri Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waxa uu sheegay in Jubbaland aysan dowladda federaalka taakulo ciidan ka helin wixii ka dambeeyey 2016-kii, markaas oo Xasan Sheekh uu qoryo iyo rasaas siiyey, isagoo xusay in ciidamada daraawiishta Jubbaland ay haatan ku suganyihiin in ka badan 42-goobood oo xataa AMISOM aysan la joogin, sida uu sheegay.

Sidoo kale waxa uu sheegay in hadda madaxda dowladd federaalka ay Jubbaland ku soo weerareen ciidamo ay u soo tababareen dowlado shisheeye, iyagoo fiirsanaya masaalix u gaar ah.

“Ma waxay naga dhaadhicinayaan 5-KM oo ciidamada dowladda oo dhan la isugu geeyey ayaa xuduuda aan la leenahay Kenya oo dhan 700 KM laga difaacayaa? Markaasbaa shacabka loo sheegayaa waxbaa la xoreynayaa iyo Kenya ayaa loo dhacay,” ayuu yiri.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in uusan difaaceyn Kenya, “Waxaan ahay Soomaali, waligeyna jinsiyad kale ma qaadan… anagoo xuduudaas dheer la leh Kenya, waxaan qaadan weynay inaan qunsuliyad ka furano Nairobi… marka dowladdu waxay isku qaladay waxa aan xaqa u leenahay iyo waxa naga reeban, Badda ayaana ka hadlin oo xuduuda ayaana ka hadlin oo ima khuseyso, marka wixii iyaga iyo Kenya ka dhaxeeya inay ka hadlaan iyaga ayey u taalla ee yeysan derbiyo kale ku wareegin” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Madoobe.

Hoos ka Daawo