Xiisadda Hiiraan oo dareysa – Maxaa dhacay maanta?

Beledweyne (Caasimada Online) – Magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa maanta markale ka dhacay dibad-bax looga soo horjeedo HirShabelle.

Dibad-baxayaasha oo isugu jiray haween iyo dhalinyaro ayaa isugu soo baxay xaafadda Xaawo-Taako oo ka tirsan magaaladaasi.

Sidoo kale dibad-baxayaasha ayaa ka soo horjeeday xarigga dad taageersan Janaraal Xuud oo maalmo ka hor lagu xir xiray saldhigga Booliiska Beledweyne.

Dadka dhigayey dibad-baxa oo waddooyinka qaar ku gooyey dhagaxaan ayaa ku qeylinayey erayo ka dhan ah HirShabelle.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale goobta tagay, kuwaas oo isku dayey inay kala eryaan dibad-baxayaasha, iyadoo markii dambe uu sii xoogeystay banaanbaxa.

Xaaladda ayaa hadda aad u kacsan, waxaana meelaha qaar lagu arkayaa ciidamada ammaanka oo dhaq-dhaqaaqyo ka wada halkaasi.

Dhowaan ayey aheyd markii dibad-baxyo rabashado watay ay ka dhaceen Beledweyne, kadib markii ay isku dhaceen shacab careysan iyo ciidamada amniga ee magaaladaasi.