Ciidamada DF Somalia oo weeraro culus ka fuliyey Basra iyo deegaano kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada xooga dalka ayaa howl-galo qorsheysan ka fuliyay saacadihii lasoo dhaafay deegaano badan oo hoostaga degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howl-galkan ayaa xoogiisu waxa uu ka dhacay Walamooy, Xaansholey, Basra, iyo daniga Baaloow, waxaana lagu baacsanayey xubno ka tirsan dagaalamayaasha kooxda Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanadaas.

Ciidamada ayaa howl-galkan ku bur-buriyey fariisimo ay ku sugnaayeen Al-Shabaab, sida uu sheegay Taliye Cabdullaahi Mustafe Cali, oo hogaaminayay howl-ka ciidamada.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen inay dhibaatada Shabaab ka dul qaadan dadkii ku noola deegaanadaas, kuwaasi oo dhib badan kala kulmi jiray dagaal-yahanada kooxdaas, sida uu hadalka u dhigay.

“Dadka deegaanada howl-galka laga sameeyay waxay ahaayeen kuwo u dhibanaa Al-Shabaab, dadka deegaankuna aad bey ugu farxeen ciidamada dowladda ee deegaanadooda howl-galka ku tegay,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxa uu balan qaaday inay howl-galadaas sii soconayaan ilaa inta Shabaab laga saarayo deegaanada hoostaga Balcad, kuwaasi oo qaarkood ay gacanta ku hayaan.

Ciidamada dowladda ayaa inta badan fuliya howl-galo lagu beegsanayo dagaal-yahanada Shabaab, waxayna ka sheegataa howl-galadaas guulo hor leh, oo inta badan aysan ka jawaabin kooxda Al-Shabaab.