Mahdi Maxamed Guuleed oo raali-gelin buuxda siiyey musharraxiinta mucaaradka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) oo khudbad ka jeedinayey shirka madasha aragti wadaaga ee maalintii labaad ka socda Garoowe ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

Mahdi Guuleed ayaa marka hore raalli-gelin buuxda ka bixiyey hadalkii uu horey u sheegay ee ahaa inay ku aadkaan doonaan wareega koowaad ee doorashada 2021-ka.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa tilmaamay in hadalkaasi uu xal ka siinayo musharraxiinta mucaaradka ee ka qeyb-galaya doorashada soo socota.

“Waxaan rabaa in aan shiweynahaan uga faa’iideysto in aan raalligelin ka bixiyo hadal aan horay u iri oo ahaa: wareegga koowaad ayaa lagu kala baxayaa. Arrintaas xaal iyo raalligelin ayaan ka bixinayaa. Musharraxiiney raalli ahaa. Ha baqanina,” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in tartanka doorashada uu noqon doono mid furan oo ay u sinnaan doonaan dhinacyada ka qeyb-galaya doorashada.

“Wareegii koobaad xaal baa laga bixiyay. Garoonku waa i noo wada furan yahay ee soo diyaargarooba” Mahdi Guuleed,” ayuu sii raaciyey.

Raalli-gelintan ayaa ku soo aadeysa, iyada oo horey midowga musharraxiinta mucaaradka ay uga fal-celiyeen hadalka Mahdi Guuleed oo tusaale u soo qaatay doorashooyinkii qaar ee maamul goboleedyada dalka sida, magaalooyinka Baydhabo, Dhuusamareeb iyo Jowhar.