Daawo: Baahi weyn oo ay qabeen bulshada Cadale oo shalay uu dhameystiray Xasan

Cadale (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay xariga ka jaray Isbitaalka cusub ee Sheekh Axmed Gabyoow oo laga hirgaliyay degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha Dowlad-goboleedka HirShabelle Cali Guudlaawe oo madaxweyne Xasan Sheekh ku wehliyay xarig ka jarka Isbitaalka ayaa waxa uu warbixin ka siiyay dhismaha isbitaalkan iyo marxaladihii uu soo maray.

Guudlaawe ayaa sidoo kale waxa uu sheegay in degmada Cadale ee gobolka Shabeellaha Dhexe laga hirgaliyay mashaariic kala duwan.

Isbitaalkaan oo fulin doona adeegyo caafimaad oo muhiim ah ayaa kaalin muuqda ka qaadan doono daboolida baahiyaha Caafimaad ee degmada, wuxuuna kusoo aadaya xili bulshada deegaanadaan ay u qabeen baahi wayn.

Haweenka uurka leh iyo dadka dhaawacyada soo gaara ayaa markii hore masaafo aad u dheer oo jid raf ah u soo mari jiray in adeeg Caafimaad helaan oo la keeno Muqdisho, qaarkood inta jidka ku soo jiraan ku umula ama umul raacato.

Degmada Cadale ayaa sidoo kale waxaa horey looga hirgaliyay mashaariic kala duwan oo ay iska kaashadeen dadka deegaanka, maamulka HirShabelle iyo dowladda federaalka Soomaaliya.