DEG DEG: Qaraxyo waaweyn oo ka dhacay Muqdisho iyo weerar toos ah oo socda

Muqdisho Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa ka soo baxa qaraxyo waaweyn oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, gaar ahaan aagga godka Jilicow oo u dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Ugu horeyn qarax weyn loo maleynayo is-miidaamin ayaa dhacay, kadibna waxaa xigay qaraxyo kale iyo rasaas toos ah.

Dad ka ag dhow aagaas ayaa Caasimada Online u sheegay in koox hubeysan ay gudaha u gashay Hotel lagu magacaabo Villa-Reys.

Weli waxaa laga maqlayaa aaggaas rasaas si darandoori ah u dhacaysa.

Illaa hadda war sugan lagama helin cidda la bartilmaameedsaday, iyadoo halka weerarku uu ka socdo ay aad ugu dhowdahay madaxtooyada Soomaaliya ee Muqdisho.

Wixii ka soo kordha kala soco Caasimada Online