Daawo: Cali Yare “Maanta waxaan wareejiyey xil FAKE ah oo wax aad xukunto aysan jirin”

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenkii hore ee dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka Gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare) oo maanta xilkii wareejiyey ayaa sheegay inay waayeen kalsoonida Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Cali Yare ayaa sheegay inuu maanta wareejiyey xil aan jirin oo (fake) ah, isagoo sheegay in kursigaan dhanka amniga u qaabilsan maamulka gobolka Banaadir aysan hoos imaan wax hey’ado amni ah.

“Maanta amniga aan guddoomiye Yabooh ku wareejinayo waa mid (fake) ah oo hey’adaha amniga aad shaxaad kula shaqeyneyso, guddoomiye waxaan kugula talinaa in magaaladaan Muqdisho aad dhaxal uga tagto, oo maqaamku ugu horeeyo,” ayuu yiri Cali Yare.

Sidoo kale Cali Yare ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uusan ku qaldaneyn in xilka uu ka qaado, isagoo ku faanay in weli uu daacad u yahay Farmaajo, wuxuuna xubnaha cusub kula dardaarmay inay daacad u noqdaan madaxweynaha kalsoonida siiyey.

“Laba qodob ayaan idinkula dardaarmayaa, 1-daacad u noqda madaxweynaha kalsoonida idin siiyey oo weligii qiyaano ka ilaaliya, 2-iyo in xilka la idiin dhiibay uusan idin bedalin, xilku hadii uu ku bedalo waxbaa si kaa ah,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Cali Yare.

Ugu dambeyntii Cali Yare ayaa aad u amaanay guddoomiyaha lagu bedalay oo sida uu sheegay aad u yaqaana shaqada loo soo magacaabay, wuxuuna kula dardaarmay in dadka reer Muqdisho uu dhaxal uga tago.

Hoos ka daawo