QM oo eedeyn culus u jeedisay hay’adaha amniga Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Qaramada Midoobay ee ka hortaga jirdilka ayaa soo saaray natiijada baaris ku saabsaneyd tacadiyada ka dhanka ah jinsiga ee ka dhaca dalal ay ku jirto Soomaaliya.

Warbixin uu soo saaray guddigaan ayaa waxa uu ku sheegay in hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugida ee NISA, ciidanka Xooga dalka iyo kuwa kale oo ka tirsan dowladda & kuwa aan dowliga ahayn ay geystaan xad-gudubyo jirdil ah.

“Xukunada dilalka ah ee ka dhaca Soomaaliya waxay soo bandhigaan arrimo halis ah oo kasoo horjeeda ilaalinta xuquuqda Aadanaha,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Guddiga QM ayaa waxa uu dowladda federaalka ka codsaday inay si deg deg ah loo dhiso hay’ad Qaran oo xuquuqda aadanaha ah iyo in la hubiyo oo la baaro dhamaan jirdilka ay geysteen hay’adaha kala duwan ee dowladda.

“Dowladda Soomaaliya waa inay qaado dhamaan talaabooyinka lagama maarmaanka u ah, si loo xoojiyo ilaalinta dhamaan dadka rayidka ah, ayadoo la raacayo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha iyo xeerarka caalamiga ah ee bani’aadamnimada,” ayuu yiri Madaxa xuquuqul Insaanka ee QM oo baaq u jeediyay dowladda federaalka.

Sidoo kale bayaan kasoo baxay xafiiska xuquuqul Insaanka ayaa waxaa loogu baaqay dhamaan dhinacyada ku lugta leh arrimahaan inay ilaaliyaan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah ee bini-aadantinimada iyo inay xaqiijiyaan in dadka rayidka ah la ilaaliyo.