Xog: Odoyaal dhaqameedyo caan ah oo laba toddobaad ka badan ku xiran Kismaayo

Kismaayo (Caasimada Online) – Magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa waxaa muddo labo toddobaad ka badan ku xiran saddex oday dhaqameed oo kamid ah dhaqanka ugu caansan deegaanada maamulkaasi.

Odayaasha xiran ayaa kala ah Ugaas Axmed Ugaas Siraad Ugaas Baqow, Nabadoon Cabdullaahi Bile Siciid iyo Nabadoon Cabdi Bare Maxamed (Bare Ashuun), kuwaasi oo ka soo jeeda beesha Hartiga.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Saddexdaan Oday dhaqameed la xiray kadib markii ay degmada Jilib u tageen xarig ay kooxda Al-Shabaab u gaysatay ganacsato ka soo jeeda beeshooda.

Odayaal dhaqameedkaan ayaa weli wax maxkamad ah la gayn, ayada oo maamulka Jubbaland uu mamnuucay in laga hadlo xarigooda, xili ay Kismaayo ku xiran yihiin in ka badan labo toddobaad.

Nabadoon ku sugan Kismaayo oo la hadlay warbaahinta gudaha, islamarkaana codsaday in aan magaciisa la xusin sababo amni awgeed ayaa sheegay in maamulka Axmed Madoobe uu ku gacan seyray ergo ay ka galeen odayaal dhaqameedka xiran.

Maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe ayaa hore dhowr jeer xarig iyo masaafurin kula kacay odayaal dhaqan oo qaarkood ka aragti duwan yihiin madaxweynaha, lamana oga waxay ka yeeli doonaan saddexda Oday dhaqameed.