Daawo: Beel ka goosatay Koonfur Galbeed oo soo bandhigtay ciidan hubeysan

Ceel-barde (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka degmada Ceel-barde ee gobolka Bakool ayaa soo bandhigay ciidamo maleeshiyaad ah oo aad u hubeysan, iyagoo sheegay in maamulka Koonfur Galbeed ay ka go’een.

Odayaasha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay xiriirka u jareen maamulka Koonfur Galbeed, kadib markii uu xaqooda duudsiiyey Madaxweyne Laftagareen, sida ay hadalka u dhigeen.

Waxay sheegeen in ka beel ahaan hal kursi xildhibaan ay ku lahaayeen dowladda federaalka, isla markaana uu kursigaas dhaafiyey Madaxweyne Laftagareen oo awoodiisa adeegsanaya.

Waxay ku goodiyeen in degmada Ceel-barde uusan imaa karin masuul ka socda maamulka Koonfur Galbeed, isla markaana ay hadda kadib yihiin maamul ka madax-banaan Koonfur Galbeed.

“Siyaasi reer Koonfur Galbeed ah degmada Ceel-barde kama soo degi karo, haduu kasoo dego wixii ku dhaca isagaa ka masuul ah, waa na go’doomiyey maamulkaas, meel kasta ayuu naga soo xiray,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha.

Oday kale oo warbaahinta la hadlay ayaa yiri, “Waxa ugu weyn ee aan tabaneyno waa kursi xildhibaan, kursigaas Digil iyo Mirif malahan waa kursi Daarood, gaar ahaan beesha Kumade – Absame – Ogaadeen, kursigaas waxaa awoodiisa u isticmaalay Laftagareen.”

Sidoo kale waxay odayaasha maleeshiyaadkaan abaabulay ku eedeeyeen madaxweynaha Koonfur Galbeed inuu ka been abuurto beeshooda oo uu sameystay ugaasyo iyo nabadoono aan ayaga metelin.

Hoos ka daawo