Daawo: Beel ka mid ah Abgaal oo diiday qorshe culus oo Cali Guudlaawe uu watay

Warsheekh (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka beelaha seddax Mataan Cabdulle ee Abgaal oo shir jaraa’id qabtay ayaa eedeyn culus kala dul-dhacay Madaxweyanha HirShabeelle Cali Guudlaawe, iyagoo u goodiyey.

Beeshaan ayaa ka cabaneysa dhul ku yaalla deegaanka Habaay oo u dhaxeeya Warsheekh iyo Ceelmacaan oo sida ay sheegeen Cali Guudlaawe uu qorsheynayo inuu ka dhiso garoon diyaaradeed.

Odayaasha ayaa cadeeyey in halkaas aan laga dhsi doonon wax garoon ah, maadaama ay dhulkaas ayagu leeyihiin oo Cali Guudlaawe uusan kala xaajoon, hadii uu hayo qorshe maalgashi.

“Dhulkaan Goof-goof ayaa loo leeyahay cid xoogi kartana ma jirto, qabiil kasta gobolkaan Goof ayuu ku leeyahay, cid na barakici karta ka jirto, reer Mataan dhulkaan Maxamed Siyaad Barre oo soo damaaciyey ayey rag caan ah uga dileen, qof kale oo hadda wax laga yeelayana ma jirto,” ayuu yiri mid ka mid ah odayaashii hadlay.

Sidoo kale odayaasha hadlay oo aad ugu fogaaday eedeynta Madaxweynaha ayaa sheegay inuu kala jaray HirShabeelle oo Hiiraan uu kulmiyey mar hore, dhawaana lagu kala tegi doono Shabeellada Dhexe, hadii uusan sidaan waxaba ka bedelin.

“Caliyow Hiiraan waa lumisay oo HirShabeelle waad kala jartay, Sh/Dhexe waad la degtay oo waxaad ka degan tahay gurigii uu Maxamed Dheere dhisay, madaxda dowlad goboleedyada kalena waxay dhisteen jidadka, madaxtooyo iyo goobo kale oo dan guud ah,” ayuu yiri oday kale.

Odayaashaan ayaa farriin u diray Madaxweyne Xasan Sheekh, ugu horeyn waxay u cadeeyeen inay taageersan yihiin, iyagoo ugu yeeray “Dal xoreeye” sidoo kale waxay Xasan Sheekh kula taliyeen in Cali Guudlaawe uusan ku haleyn HirShabeelle, iyagoo ka codsaday inuu badbaadiyo maamulka.

Odayaasha dhaqanka Mataan Cabdulle ayaa soo bandhigay hub iyo ciidamo ay ku difaacanayaan dhulka ay sheegeen in Cali Guudlaawe uu doonayo inuu ka dhisayo garoon, ciidanka ayey ku sheegeen kuwii la dagaalamaya Khawaarijta, isla markaana ay weli diyaar u yihiin in cadowga ay ka xoreeyaan dhulka uu ka joogo deegaanada beesha.

Hoos ka daawo