DAAWO: Beesha Habar-gidir oo go’aano culus kasoo saartay xiisadda taagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Hogaaminta beelaha Habargidir oo maanta magaalada Muqdisho ku qabtay shir jaraa’id ayaa si adag uga hadlay xaalada dalka iyo khilaafka madaxda sare, ayaga oo taageero u muujiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiyaha Golaha oo warbaaahinta la hadlay ayaa ugu horeyntii sheegay in cidda ka hor timaada hanaanka doorashada dalka ay u aqoonsanayaan Qaswade aan raali ka aheyn in waddanka nabad ka dhalato oo doorasho la gaaro.

“Waxaa u arkeynaa cidda ka hortimaada in waddanka uu dowlad yeesho Qaswade anagana ma taageereyno, waxaa rabnaa in doorashada u dhacdo hanaankii lagu heshiiyo, ciddii ku guuleysaneysa ha ku guulaysate,” ayuu yiri.

Sidoo kale waxay bogaadiyeen dadaalada Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu ku rabo in dalka ka dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah, laguna wada qanacsan-yahay, ayaga oo taageero u muujiyey in Kiiska Ikraan si cadaalad ah loo qaado, iyo go’aanka uu ka qaatay Ra’iisul Wasaaraha

“Xilkii Dastuuriga ahaa ee Madaxweynaha iyo Baarlamaanka waa dhamaaday, waxa keli ah oo hadda hogaanka haya waa xil-gaarsiinta Ra’iisul Wasaaraha iyo Golahiisa Wasiirada, waxaa soo jeedinayna wanaag bey tahay in doorasho la aado, ciddii uu calaf u galo la doorto waxna doorato.”

“Howsha doorashadu ha socoto, Xil-gaarsiinta (Ra’iisul Wasaaraha) ayaa mas’uul ka ah arrimaha doorashooyinka iyo amniga loona daayo howlahaas, waxna laga raad-raadin, laguna garab istaago.”

Ugu dambeyntiina waxay soo jeediyeen in waan-waanta muddooyinkii dambe laga dhex waday Rooble iyo Farmaajo aan loo curyaamin howlaha doorashada iyo amniga oo uu mas’uul ka yahay Ra’iisul Wasaaraha.

Hoos ka daawo muuqaalka