R/W ROOBLE oo war cusub kasoo saaray xiisadda Villa Somalia iyo kiiska IKRAAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble oo khudbad ka jeediyey munaasabadda hadal-jeedinta musharixiita Aqalka Sare ee Somaliland oo ka socota Teendhada Afisyoone ayaa ka hadlay xaaladda dalka, gaar ahaan khilaafka kala dhexeeyo madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday.

Rooble ayaa ayaa muujiyey in weli halkiisii uu yahay khilaafka xoogan ee u dhexeeyo isaga iyo Farmaajo, wuxuuna tilmaamay in wax weliba ay ka muhiimsan tahay xasiloonida dalka.

“Xaaladda dalka Alxm maanta meel fiican ayuu marayaa doorashaan ku jirnaa carab iyo ilkaa isugu dhow khilaafaad waa iska yimaadaan, laakiin wax weyn ma’ahan wax kasta waxaa ka muhiimsan xasiloonida dalka iyo nabad-gelyada,” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in is-qab-qabsigan siyaasadeed iyo khilaafka jira uu soo dhammaan doono, marka ay hagaagto doorashada, sida uu hadalka u dhigay.

“Khilaaf kasta iyo is-qab-qabsi kasto wuxuu dhammaanayaa, marka ay doorashadan noo hagaagto,” ayuu sii raaciyey ra’iisul wasaaruhu.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal qaaday kiiska Ikraan Tahliil Faarax, wuxuuna shaaciyey inuu weli cadaalad u taagan yahay, uuna ku dadaali doono cadaalad u helida qoyska Ikraan.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u xaqiijinayaa inaan markasta u taaganahay cadaaladda dhammaanteen cadaalad ayaa na deeqdo. Gabadheenii Ikraan Tahliil Faarax cadaalad way heleysaa kuwii dhibka u geystayna ama maanta aan helno ama beri aan helno, Insha allah gacanta shacabka Soomaaliyeed way soo geli doonaan,” ayuu markale yiri Rooble.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray “Qalbigiina qeyr u sheega howsha waa lagu daba jiraa maxkamadda milatariga ayaa loo xil-saaray go’aankeeda ayaan sugeynaa dhammaan,”.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo uu haatan gaabis ku yimid wada-hadalladii ka socda Villa Soomaaliya ee lagu dhex-dhexaadinayey madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.