Ilaalada Saciid Deni oo dilay Maryan Axmed Maxamed

Garoowe (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay ciidanka ilaalada gaarka ah ee madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Maxamed (Deni) saacadihii lasoo dhaafay ka geysteen magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

Dilka ayaa waxaa lagu warramayaa in loo geystay gabar dhalinyaro aheyd oo la socotay gaari marayey bartamaha magaaladaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Marxuumadda ayaa waxaa lagu magacaabi jiray, Maryan Axmed Maxamed Caato waxaana ay ka mid aheyd dadka deegaanka ee ku dhaqan caasimada Puntland ee Garoowe.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka uu yimid, kadib markii gaariga ay la socotay haweeneydaasi uu soo dhex-galay kolonyada galbineysay madaxweynaha, taas oo keentay inay rasaas ku furaan ciidamada ilaalada ee madaxweynaha oo ka shakiyey baabuurkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay madaxtooyada iyo sidoo kale saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dilka loo geystay haweeneydaasi.

Ehellada marxuumadda oo si adag uga hadlay dhacdadan ayaa dalbaday in cadaalad loo helo dilka marxuumad Maryan Axmed Caato oo ay ku eedeynayaan ilaalada Saciid Deni.

Garoowe ayaa waxaa marar badan rasaas ay fureen ciidanka amaanka waxaa ay waxyeelo isugu jirta dhimasho & dhaawac kasoo gaartay dadka rayid ah oo aan waxba galabsan.