Daawo: Biixi oo toos ugu hanjabay Cali Dheere, fariina u diray dhalinyarada Shabaab-ka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Soomaaliyeed Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi ayaa maanta mar kale si adag ugu jawaabay afhayeenka kooxda Al-Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere).

Taliye Biixi ayaa sheegay in Cali Dheere uu mudo dheer ku soo faanaayey dilka iyo gumaadka umadda Soomaaliyeed, balse hadda ay asaga soo dili doonaan.

“Cali Dheere horay ayaan ugu jawaabay, mana mudna wax loo jawaabo, laakiin waxaan leeyahay Caliyow wax badanaa soo nooleed oo dad Soomaaliyeed inta leysay falilaali-xamdu ka dul tiri, balse maanta adigaan kaa dul dhihi doonaa,” ayuu yiri Jeneraal Biixi oo fariintaan si toos ah ugu diray afhayeenka Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay inay caawi doonaan dadka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada ay ka qabsanayaan kooxda Al-Shabaab. “Ujeedka howlgalkaan waa in dadka Soomaaliyeed aan dhibaatada Al-Shabaab ka dul qaadno, godkey galaan ayaan uga daba galeynaa,” ayuu hadalkiisa ku sii daray.

Jeneraal Biixi ayaa fariin u diray dhalinyarada ka barbar dagaalanta kooxda Al-Shabaab, isagoo ku baraarujiyey inay badbaadsadaan naftooda qaaliga ah.

“Shabaabow weli jaanis ayaad heysataan, war nin kastow maanta u cararay gurigii ay kaasoo wateen, hortaada u carar oo badbaadso naftaada qaaliga ah, war maxaad ku dhimaneysaan? Walaahi diin kuma dagaalameysaan ee yaan dabka la idinku shubin,” ayuu fariintiisa ku yiri Taliye Biixi.

Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka ayaa maanta shir jaraa’id oo Hiiraan uu ku qabtay wuxuu ku shaaciyey in howlgalka ka socda gobolkaas lagu dilay 127 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana inta badan gobolka laga wiiqay awoodii kooxda.

Hoos ka daawo