Ciidamada Mareykanka oo caawiyey kacdoonka ka socda Hiiraan iyo Al-Shabaab oo xubno badan laga dilay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay ka qeyb qaadatay dagaalkii cuslaa ee ka dhacay gobolka Hiiraan, kaas oo lagu jebiyey kooxda Al-Shabaab.

Bayaan ka soo baxay Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa lagu sheegay in laba maalmood ka hor – 18-kii bishaan Sebtembar ay dowladda Soomaaliya ka codsatay inay duqeeyaan maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa degaanka Aboorey oo hoos taga magaalada Buuloburde.

Mareykanku wuxuu sheegay in duqeyntaas lagu dilay 27 xubnood oo Shabaab ah inta la xaqiijiyey, sidoo kalena aysan jirin wax yeelo soo gaartay dad rayid ah.

“Ciidamada Maraykanka ayaa loo fasaxay inay fuliyaan weeraro ay ku difaacayaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri warbixinta taliska ciidamada Mareykanka ee ka howlgala qaaradda Afrika.

Sidoo kale Mareykanku wuxuu qiray in dagaalka Hiiraan ay ciidanka xoogga Soomaaliya ka soo hooyeen guulo waaweyn, isla markaana ayaga doorkoodu uu ahaa duqeyn meelaha qaar ah, si loo yareeyo qataraha ay ciidanku kala kulmi karaan kooxda.

“Hawlgalkan ayaa ah kii ugu balaarnaa oo ciidanka Soomaaliya ay fuliyaan muddo shan sano ah,” ayaa lagu yiri warka AFRICOM.

Sidoo kale Taliska Mareykanka ee AFRICOM wuxuu qoraalkaan ku balan qaaday in aad looga taxadari doono waxyeelo soo gaarta rayidka, iyagoo sheegay in kooxda la baacsanayo ee Al-Shabaab ay si joogto ah u wax yeeleyso shacab aan waxaba galabsan.

Taliska ciidanka xoogga dalka ayaa maanta shaaciyey in howlgalka ka socda gobolka Hiiraan lagu dilay 127 xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab, isla markaana inta badan gobolkaas laga wiiqay awoodii kooxda.