Daawo: Jeesow oo mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho ku qeexay kawaanka dadka

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa si kulul uga hadlay dhibaatada isbitaalka Yardimeli loogu geystay gabaar dhallinyaro ah oo lagu magacaabo Muna Axlaa, taasi oo qaliin khaldan looga sameeyey dhanka Caloosha.

Jeesow ayaa sheegay in Isbitaalka Yardimeli uu noqday kawaanka dadka, wuxuuna soo saaray baaq ku socda wasaaradda caafimaadka.

“Walaalayaal Isbitaalka Yardimeli dad badan ayaa ku waxyeeloobay, wuxuu noqday isbitaalka kawaanka dadka, waxaan la’ahay qof gala oo isagoo caafimaad qaba kasoo baxa,” ayuu yiri xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaan Daahir ayaa sheegay in qof kasta oo taga isbitaalka Yardimeli uu u dhaxeeyo inuu dhinto ama in dhibaato loo geysto.

“Qof kasta oo qalliin u taga mid dhinta iyo mid kale ayey noqdaan, wasaaradda caafimaadka iyadoo mas’uul ka ah inay koontaroolaan isbitaalada sida shaqsiga ah loo leeyahay, waa inay arrintaas baaritaan iyo dabaga ku sameeyaan,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Wuxuu ugu baaqay xarunta dambi baarista ee CID inay si deg deg ah u baarto kiiska gabadhaan oo hadda lagu daweenayo Isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho.

“CID waxaan ka codsanayaa hadduu uu kiiskan soo gaaray waa inay kiiskaan si maamuus leh u qaadaan, waayo Muna Axlaa waaye qofka aan ka hadlayo aniga xildhibaankeeda ayaan ahay waxyeelada loo geystay dhib weyn ayey igu leeyahay,” ayuu yiri mar kake.

Jeesow ayaa ku baaqay in dib looga fiirsado Isitaalka Yardimel,i isagoo taas sabab uga dhigay in dad badan lagu dhibaateeyey.

“Hay’adaha caddaaladda waa inay dhaqaatiirtii dhibaatada u geystay cadaaladda hor keenaan, waxaana ku baaqayaa in guud ahaanba isbitaalkaas dib looga fiirsado, waana in la xiro inta uu baaritaanka socdo sababtoo ah dad badan ayaa lagu dhibaateeyey,” ayuu yiri Jeesoow oo shir jaraa’id qabtay.

Ugu dambeytii xildhibaanka ayaa ugu baaqay in qof kasta oo lagu dhibaateeyey Isbitaalkaas uu soo hadlo isla markaasna ay diyaar u yihiin inay u qabtaan Abuukaatayaal u doodo.’

Hadalka xildhibaan Jeesow ayaa yimid kadib markii Muna Axlaa ay shalay ka hadashay dhibaatadii loo geystay Yardimeli oo ah Isbitaalk ay joogaan dhaqaatiir ajaanib ah.

Halkaan hoose ka akhriso warka ku saabsan dhibaatada loo geystay Muna Axlaa

Daawo: MUNA AXLAA oo faahfaahisay dhibkii lagu gaarsiiyey isbitalka Yardimeli