Daawo: MUNA AXLAA oo faahfaahisay dhibkii lagu gaarsiiyey isbitalka Yardimeli

Muqdisho (Caasimada Online) – Muna Axlaa oo aheyd gabar u dhaq-dhaqaaqdo nabadda iyo dhallinayarada ayaa maanta dhibane u ah dhaqaatiir ajaanib ah oo ka howlgala isbitaalka Yardimeli ee magaalada Muqdisho, kuwaas oo la sheegay inay ku sameeyeen qaliin khaldan oo dhanka caloosha ah.

Qaliinka lagu sameeyey Muna ayaa hadda keenay inay halis gasho nolosheeda kadib markii uu soo wajahay xanuun ka adag midkii hayey ka hor inta aan qaliinka lagu sameyn.

Muna oo ku jirtay xaalad adag tan iyo bishii Agoosto ee sanadkaan oo hadda ku jirto isbitaalka Digfeer ayaa ka digtay dhakhaatiirta ajaanibta ah ee kusoo qul-qulaya Soomaaliya.

“Dhibka i gaaray dhib yar ma aheyn, xubno badan oo muhiim ah ayaa jirkeyga ka maqan oo runtii aad ii danqineysa markaa soo xasuusto, waxay ii sheegeen inay waqti yar qaadaneyso oo leysar la igu qalayo, qaliinkeyga kadib laba maalin kadib waxay bixiyeen tubooyinkii caloosha iiga jiray, kadib anoo saxaroon oo neef iga imaanin ayey i dhaheyn xaafada aad,” ayey tiri Muna Axlaa oo la hadashay Telefishinka Dalsan.

Waxay intaas kusii dartay “Dhakhaatiirtii i qalay waxay ahaayeen ajaanib, nin iyo naag way is qabaan la dhahayey ayaa qaliinka sameeyey, kaliya waxaa Soomaali ka ahaa ninka i suuxinayey, markii ay i dhaheyn waa bixi kartaa waxaa dalbaday inaan habeen sii joogo si aan xaaladeeda u ogaado maadaama aan dibirsanahay, saxaroon markii qaliinka la igu sameeyey kadib.”

Muna ayaa sheegtay inay Isbitaalka kusoo booqdeen dhakhaatiir Soomaaliyeed oo ay qaraabo yihiin kadibna ay u sheegeen inay xoogaa lugeysiinayaan, balse nasiib darro waxay sheegtay inay caloosha kasoo daadatay saxaro taasoo xaaladeeda ka dhigtay mid adag.

“Dhibkii iga soo gaaray qaliinkaas waa midka aan illaa hadda u jiifo Isbitaal oo aan koomo u galay, waxaa la furay caloosheeda maalmo badan, intaan qaliinka gelin ka hor waxaan la kulmay wasiirka caafimaadka waxyaabaha aan kala hadlayna waxaa kamid aheyd in dhaqaatiirtaan wadanka lagu soo aruurinayo ay wasaaradda xil iska saarto inay hubiso tayadooda,” ayey mar kale tiri Muna oo ay ka muuqatay murugo.

Muna waxay hadda dacwad ka dhan ah Isbitaalka Yardimeli iyo dhaqaatiirta ajaanibta ah ee qaliinkeeda fuliyey u gudbisay xeer ilaalinta dalka, waxayna dowladda Soomaaliya ugu baaqday in la dardar geliyo kiiskeeda ka hor inta aysan dalka ka baxsan dhaqaatiirta ku sameeyey qaliinka.

“Dhibka aniga i gaaray wuxuu cashir u yahay dad badan oo aan hadli karin oo aan loo hadli karin oo Isbitaalada ku dhibaateysan qadar ayaana ii geysay xaqiiqdii, dacwad ayaan u gudbiyey xeer ilaalinta, abuukaataheyga waan wakiishay , garsoorka ayaan ka sugeynaa inay noo cadaalad falaan anaga iyo ayaga,” ayey tiri.

Dhacdada qabsatay Muna Axlaa ayaa maalmahaan heysatay baraha bulshada, waxayna aheyd inta badan u doodo dhallinyarada mar kastana diirada saarto sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo nabad ah.