Daawo: Booliska Beledweyne oo dad u soo qabtay dilkii Nabadoon Cali Dheere

Beledweyne (Caasimada Online) – Ciidamada booliska magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan oo saacadihii lasoo dhaafay magaalada ka waday howlgallo xoog leh ayaa soo qabqabtay dad badan oo looga shakisan yahay inay ku lug-lahaayeen Nabadoon xalay lagu dilay xaafad ka tirsan magaalada.

Taliyaha booliska degmada Beledweyne Bishaar Xuseen Jimcaale oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in tiro dad ah ay u soo qabteen dilkii xalay Beledweyne loogu geystay Allaha u naxariistee Cali Macalin Maxamuud (Cali Dheere).

Marxuumka oo ka tirsanaa ergadii wax kasoo dooratay baarlamaanka Soomaaliya ayaa xalay lagu dilay xaafada Xaawo-Taako ee magaalada Beledweyne, waxaana mas’uuliyadda dilkiisa sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Taliye Bishaar ayaa sheegay in dilkaas kadib ay howlgallo culus magaalada ka bilaabeen, isla markaana ay soo qabteen dad badan oo lagu tuhmayo inay ka mid yihiin xubnaha Al-Shabaab u jooga magaalada.

Beledweyne waxaa mar sii horeysay ka bilaabatay beegsiga ergadii wax ka soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaaladaas ka jirta cabsi amni oo xoog leh.

Hoos ka daawo