Mid kamid ah ilaalada gaarka ah ee guddoomiye CUMAR Filish oo la dilay (Faahfaahin)

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd magaalada Muqdisho lagu dilay Xuseen Abuukar Nuur oo kamid ahaa Ilaalada gaarka ah ee Guddoomiyaha gobolka Banaadir, Cumar Filish.

Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay Irida laga galo dekedda weyn ee magaalada Muqdisho, ayada oo uu rasaasta ku furay Askari ka tirsan ciidamada dowladda oo asagna ku sugna Irida hore ee dekedda.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa marxuumka iyo Askariga dilka geystay soo kala dhex-galay muran, kaasi oo markii dambe sababay in uu ku baxo AUN Xuseen Abuukar Nuur.

Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliyeed ayaa durtaba gaaray goobta uu ka dhacay dilka, ayada oo halkaas ka bilaabay baaritaano la xiriira dilka iyo sida uu u dhacay.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in meydka Askariga la dilay la geeyay xarunta CID-da.

Ma aha markii u horeysay ee Askari ka tirsan dowladda uu dilo Askari kale oo uu muran soo kala dhex-galay, waana dhacdo in badan soo noq-noqotay oo marar badana looga digay ciidamada.