Daawo: Booliska Muqdisho oo soo qabtay raggii dilay Macallin Nuur Jimcaale

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey wajiga labaad ee howlgallo loogu magac daray ‘Samakaab’ oo ka dhanka ah tuugada iyo ciyaal weerada, kuwaas oo maalmahaan ka socday magaalada Muqdisho.

Howlgalkaan oo ka socday dhamaan degmooyinka gobolka ayaa lagu soo qabtay rag loo heysto tuugnimo, hubkii ay wateen, agab ay dadkii lahaa dhaceen iyo maan-dooriye Xashiish u badan oo gacantya lagu soo dhigay.

Afhayeenka booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale sheegay in howlgalkaan lagu soo qabtay rag lagu tuhmaayo inay geysteen dilkii Macalin Nuur Jimcaale oo shalay tuugo taleefan ka dhaceysay ay ku dishay degmada Kaaraan.

Afhayeenka ayaa sheegay in ragaas lagu qabtay meel u dhow goobtii uu ka dhacay dilka Macalinka, isla markaana marqaatiyaal loo helay inay geysteen dilkii Macalinka.

“Bulshada degmada Kaaraan iyo booliska oo is kaashanaya waxay soo qabteen rag lagu tuhunsan yahay dilkii Macalin Nuur Jimcaale, waxaa lagu qabtay meel u dhow goobtii lagu dilay Macalinka, waxaana loo helay marqaatiyaal ku cadeynaya dilkaas inay geysteen,” ayuu yiri Afhayeenka booliska Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa gacanta lagu dhigay hoggaamiyihii guud ee ciyaal weerada degmada Kaaraan, kaas oo booliska ku abuuray rajo ah in cunug kasta oo ka mid ah ciyaal weerada degmadaas gurigiisa loogu tago, maadaama la qabtay horjoogahoodii.

Degmooyinka Hiliwaa, Yaaqshiid, Wadajir, Kaaraan, Wardhiigley iyo Hodan ayaa ka mid ah degmooyinka laga soo kala qabtay ragaan ku eedeysan tuugnimada ee galabta boolisku uu u soo bandhigay warbaahinta.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/ztSj7-N9oL0?t=2