Booliska oo war cusub kasoo saaray bandowga Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Booliska Soomaaliya ayaa mar kale faahfaahiyey qorshaha ka dambeeya in bandow lagu soo rogo socdaalka Mooto Bajaaj-ta, wixii ka dambeeya 12:00 AM saqda dhexe ee habeenkii.

Afhayeen Cabdifitaax Aadan ayaa warbaahinta u sheegay in boolisku uu labo u jeedo ka lahaa bandowga mooto Bajaaj-ta Muqdisho, kuwaas oo kala ah:

1 – In bandowgaan looga baaqsado in tuugada dadka dhacda aysan ku baxsan mooto Bajaaj, taas oo horay u dhici jirtay, sida uu sheegay afhayeenku.

2 – Qodobka labaad ayaa ah, in la suuliyo dhaqan ay caadi ka dhigteen qaar ka mid ah dhalinta reer Muqdisho, kaas oo ah in saqda dhexe gabdho iyo wiilalba xaafadaha ay soo baxaan ee la isugu tago goobo u badan kuwo lagu isticlaamo maan-dooriyaha, sida xeebta Liido.

Dhalinyaradaas wuxuu sheegay afhayeenku inay raacaan mooto Bajaaj, isagoo bandowgaan ku macneeyey mid fasahaadkaas lagu suulinayo, sidoo kale waalidiinta ayuu ugu baaqay inay ilmahooda dhaq-dhaqaaqooda la socdaan.

“Waa jirta arrin dhaqanka Soomaaliyeed dhibaato ku ah, gabdho iyo wiilal ayaa habeenkii markii jiifka la isku diyaariyo xaafadahooda ka soo dhuunta oo isugu taga goobo ay fasahaad u sameysteen, cabasho nooga timid ayaa sababtay in ciidanka boolisku ay go’aamiyaan 12:00 habeenimo wixii ka dambeeya in aysan mooto soca karin,” ayuu yiri afhayeenku.

Hey’adaha amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku howlanaa baacsiga tuugada iyo ciyaal weerada, taas oo sabab u noqotay in Muqdisho laga mamnuuco isku socodka mooto Bajaaj-ta, wixii ka dambeeya 12:00 AM – saqda dhexe ee habeenkii.

Dadka reer Muqdisho ayaa dhibsaday bandowgaan aan la shaacin waqtiga laga qaadayo, waxayna mooto Bajaaj-tu muhiim u tahay hoyaadka dadka ganacsada iyo kuwo danahooda kale ugu daaha gudaha magaalada.

Afhayeenka Booliska Soomaaliya wuxuu sheegay in bandowgaas uu Muqdisho ka dhaqan galay oo saqda dhexe ee habeenkii markii la gaaro mootadii la qabto iyadoo socota talaabo adag laga qaado.

Waxaa xusid mudan in bandowgaan ka hor ay mooyinka Muqdisho u kala qeysanaayeen labo group oo kala ah kuwo habeenkii shaqeysta iyo kuwo maalintii shaqeysta, balse hadda shaqada mootada waxaa lagu soo koobay maalintii iyo fiidka hore ee habeenkii.