Muxuu CC SHAKUUR ku tilmaamay heshiiskii Xasan Sheekh iyo Uhura Kenyatta?

Muqdisho (Caasimada Online) – Ergayga abaaraha Soomaaliya Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa qoraal kasoo saaray heshiiskii ay shalay kala saxiixdeen madaxweynayaasha Kenya iyo Soomaaliya Uhura Kenyatta iyo Xasan Shiikh Maxamuud.

Cabdiraxmaan ayaa si gaar ah uga hadlay ku dhawaaqista dib u furista xuduudka Kenya iyo Soomaaliya, taasoo uu sheegay inay wanaajinayso in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka u baahan.

“Tallaabada dib loogu furayo xudduudka waxay fududeynaysaa gargaarka bani-aadannimo. Xudduudka xiran wuxuu caqabad wayn ku yahay gurmadka abaaraha iyo gargaar gaarsiinta dadka ay abaaruhu saameeyeen ee ku nool gobollada xudduudka ku yaalla,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

“Waa tallaabo loo qaaday jihada saxda ah taas oo kor u qaadeysa awoodda hay’adaha gargaarka bani’aadamnimada si ay gargaar u gaarsiiyaan oo ay u bixiyaan taageero waqtigeeda ah. Waxaan uga mahadcelinayaa madaxweynayaasha dib-u-furista waqtigeeda kusoo aaday ee soohdinta dheer ee u dhexeysa labada dal,” ayuu yiri.

Xasan Sheekh iyo Uhuru Kenyatta ayaa sidoo kale isku raacay in dib loo furo xuduudda labada dal si loo fududeeyo dhaq-dhaqaaqyada shacabka labada dal loona xoojiyo gacansiga badeecadaha ee ka dhaxeeya labada dal.

Qoraalka kasoo baxay ergeyga madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan dhanka abaaraha ayaa sidoo kale looga codsaday hay’adaha ay khusayso fulinta heshiiskan inay qaadaan tallaabada dib loogu furayo xuduudka.

“Waxaan ugu baaqayaa masuuliyiinta iyo hay’addaha u xilsaaran fullinta go’aanka Madaxweynayaasha in ay hawshooda ugu hormariyaan furitaanka xudduudka,” ayuu yiri.