Daawo: Booliska oo faah-faahin ka bixiyey labadii QARAX ee ka dhacay Zoobe

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya G/lle Sidiiq Aadan Cali Doodishe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa faahfaahin ka bixiyey qaraxyadii ay maanta kooxda Al-Shabaab ka fulisay isgoyska Soobe.

Afhayeenka ciidamada Booliska ayaa sheegay inay halkaas ka dhaceyn laba qarax oo ay fulisay kooxda Al-Shabaab, isl markaana aysan u dhicin sidii ay ugu talagaleen.

Afhayeenka ayaa sheegay inay kooxda Al-Shabaab qaraxyadaas la damacsaneyd inay la beegsato arday ku sugneyd gudaha wasaaradda waxbarashada oo ku taalla meel u dhow halka ay labada qarax ka dhaceyn.

Doodishe wuxuu sheegay inay qaraxyada khasaaro kasoo gaareen dad shacab ah oo ay ku jireen carruur iyo hooyooyin ku sugnaa meesha uu qaraxa ka dhacay.

Afhayeenka ma uusan sheegin tirada dhaawaca iyo dhimashada ee ka dhashay qaraxyadaan dhacay maanta, balse wuxuu sheegay inay ciidamada dowladda ka hor tageen islamarkaana ay yareeyeen khasaarihii ka dhalan lahaa sida uu hadalka u dhigay.

Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo dhanka isbitaalada ah waxaa qaraxyadaan ku dhintay in  ka badan 20 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafayo intaas.

Dadka ku dhintay qaraxayadaan waxaa kamid ah taliyihii booliska ee degmada Hodan Xuseen Cadceed iyo wariye Koonaa, waxaana sidoo kale ku dhaawacmay wariyayaal kale.

Kooxda Al-Shabaab weli kama aysan hadlin labadaan qarax oo ay khasaaro xoog leh kasoo gaartay dad shacabka ah oo ku sugnaa Isgoyska Zoobe oo ah halkii ay kooxdaan dhowr sano ka hor ku dishay in ka badan 500 qof oo shacab ah.

Halkaan hoose ka daawo shirka jaraa’id ee afhayeenka booliska