R/W XAMZA oo war kasoo saaray qaraxyadii maanta, sheegay inay ka dhigan yihiin…

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre, ayaa si kulul u cambaareeyey qaraxyadii maanta ka dhacay agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho oo shacab badan lagu dilay.

Xamza ayaa weerarka ku tilmaamay “mid naf lacaari ah oo khawaarijtu ay ku dadka maatida ah,” waxaana uu sheegay in aanu marnaba niyad jabin doonin kacdoonka Shacabka Soomaaliyeed iyo dagaalka ay Dowladda Soomaaliya hormuudka ka tahay ee lagu ciribtiraayo Khawaarijta. 

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa Allaah uga baryay inuu Janatul Fardowsa ugu deeqo dhammaan shacabkii Soomaaliyeed ee Shuhadada ahaa ee maanta Khawaarijtu ku laayeen Magaalada Muqdishu.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in qaraxyada maanta dhacay ay tusaale u yihiin hadafka guud ee Khawaarijta oo ah inay baabi’iyaan ummadda Soomaaliyeed, iyaga oo aan kala sooceyn carruur, dhallinyaro, haween iyo waayeel intaba.

Waxaa mar kale uu Ra’iisul Wasaaruhu ku celiyay in Xukuumadda ay ka go’an tahay sidii loo dabargoyn lahaa kooxda argagixisada ee gabalkoodu sii dhacayo, isagoo shacabkana ugu baaqay in si wadajir ah la isaga kaashado ka hortagga dhagarta ay maleegayaan.

Labadii qaraxi ee maanta ayaa ujeedkoodu ahaa in lala beegsado wasaaradda waxbarashada, oo ku taalla agagaarka Zoobe ee magaalada Muqdisho. 

Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya G/lle Sidiiq Aadan Cali Doodishe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ayaa sheegay inay kooxda Al-Shabaab qaraxyadaas la damacsaneyd inay la beegsato arday ku sugneyd gudaha wasaaradda waxbarashada.

Doodishe wuxuu sheegay inay qaraxyada khasaaro kasoo gaareen dad shacab ah oo ay ku jireen carruur iyo hooyooyin ku sugnaa meesha uu qaraxa ka dhacay.

Afhayeenka ma uusan sheegin tirada dhaawaca iyo dhimashada ee ka dhashay qaraxyadaan dhacay maanta, balse wuxuu sheegay inay ciidamada dowladda ka hor tageen islamarkaana ay yareeyeen khasaarihii ka dhalan lahaa sida uu hadalka u dhigay.

Sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo dhanka isbitaalada ah waxaa qaraxyadaan ku dhintay in  ka badan 20 qof halka dhaawaca uu kor u dhaafayo intaas.