Maxamed Ciise Koonaa: Waxaa hore loo dilay, aabihiis, hooyadiis iyo walaalkiiis, isna maanta ayaa la dilay + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Weriye Maxamed Ciise Xasan (Koonaa) ayaa ka mid ahaa tobanaan dadka ah oo maanta lagu dilay qaraxii ka dhacay isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho, geerida iyo qisada qoyka Maxamed ayaa sacadihii u dambeeyey aad ugu faaftay baraha bulshada.

Maxamed Ciise ayaa mudooyinkii dambe ka howlgelayey M24 TV oo xaruntiisu ay ku dhowdahay dhismaha wasaaradda waxbarashada oo maanta banaankeeda hore ay qaraxyadaasi ka dhaceen.

Weriyayaashii ay shaqo wadaagta aheen ayaa Caasimada Online u sheegay in markii qaraxa hore uu dhacay uu ka soo baxay xarunta oo goobta qaraxu uu ka dhacay uu soo aaday.

Markii uu soo istaagay laamiga, waxaa qarxay gaarigii labaad oo aad ugu dhawaa isaga, halkaas ayey ku geeriyoodeen isaga iyo dad kale oo badan.

Allaha u naxariistee Weriye Maxamed wuxuu ka u dambeeyey qoyskiisa reer Ciise Xasan oo siyaabo kala duwan loo dilay.

Mar uu wareysi bixiyey ayuu sheegay in isagoo yar la dilay Hooyadiis iyo Aabihiis, sidoo kale laba sano ka hor ayaa walaalkiis Mahad Ciise lagu dilay dalka Koonfur Afrika, kaligiis ayaana ka noolaa reerka, isagiina maanta ayaa la dilay.

Maxamed wuxuu horay u sheegay in Aabihiis Ciise Xasan uu hoobiye ku dilay maqaayad uu fadhiyey intii ay dalka ka socdeen dagaalladii sokeeye.

Sidoo kale Hooyadiis ayuu sheegay in lagu dilay isgoyska Baar-ubax, isagoo aad u yar, walaalkiis oo Hooyo iyo Aabe la’aan ay ku soo wada koreen ayaa lagu dilay dalka Koonfur Afrika.

Wareysigii uu Maxamed bixiyey maalmihii la dilay walaalkiis wuxuu ku sheegay in qadarta Alle uu ku qanacsan yahay, laakiin uu aad uga murugoonayo in waalidkiis iyo walaalkiis la dilay oo kaligiis uu ka nool yahay reer Ciise Xasan.

Berri ayaa lagu wadaa in Muqdisho lagu aaso meydka Allaha u naxariistee Weriye Maxamed Ciise Koonaa.

Weriyihii ugu dambeeyey ee la socday Koonaa ayaa ka sheekeeyey wixii uu arkay.